Xagee ku dambeeyey khilaafkii Puntland iyo DFS xilli wasiiro ka socda Puntland ku sugan yihiin Muqdisho.

Kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan golaha fulinta ayaa Puntland waxa ay hakad gelisey wadashaqaynta xukuumadda Soomaaliya.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa shacabka Puntland iswaydiinayaan sababta keentay in weli ay wada shaqaynayaan qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya iyo Puntland iyadoona ay hadda masuuliyiin katirsan Puntland shirar uga qaybgelayaan Baydhabo.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey), oo shir kaga qaybgalay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya labada dhinac haseyeeshee ay jiraan arrimo ka madax bannaan siyaasadda.

“Puntland kuma taalo jasiirad cidlo ah waxay kamid tahay jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, waxyaabo laysku khilaafsan yahay waajiraan sida madaxweeynuhuba caddeeyey” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo la hadlay Idaacadda Garoowe.

Wasiir Sabarey oo sii wata hadalkiisa ayaa markale yiri,“Arrimaha gudaha, arrimaha dastuurka, qaybsiga khayraadka iyo deeqaha magaca Soomaaliya lagu helo arrimahaasi khilaaf baa ka taagan oo waad ogtihiin arrimaha kale ee aan siyaasadda shaqada ku lahayna waa soconayaan”.

DHEGAYSO

PUNTLANDPOST