Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay tegaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubaland.
Wefdiga Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayo Mr Swan ayaa sida la sheegayo magaalada Kismaayo kula kulmi doona Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo mar kale u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland iyo sidoo guddiga doorashooyinka iyo musharaxiinta mucaaradka ah.
Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa doonaya in ay dadaal ku bixiyaan xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada madaxtinimada si doorashadu ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu wada qanacsanyahay.
Dadaalladan ay Beesha caalamku bilowday ayaa ku soo beegmay xilli musharrixiinta aan is diiwaan gelin iyo guddi ay magacowdeen ay maalmo ka hor ku dhawaaqeen liis xildhibaaanno kale kadib markii ay diideen xildhibaaannada uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Jubaland.
PUNTLAND POST