Madaxweynaha Puntland oo safarkii saddexaad ugu baxaya dalka debaddiisa

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu todobaadka soo socda safarkii saddexaad ugu baxo waddanka debaddiisa sida ay ogaatay warbaahinta Puntland Post.

Socdaalka oo aan la sii shaacin ayaa sida la sheegayo madaxweynuhu ku tegi doonaa dalalka Kenya iyo Imaraatka inkastoo aysan weli caddayn arrimaha uu salka ku hayo safarka uu madaxweyne Deni ku tegayo dalalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaan weli maagcaabin xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland iyo agaasimayaasha Wasaaradaha oo laba jeer oo hore dib u dhacay.

Mudane Deni oo madaxweyne loo doortay 8-Jannaayo 2019 ayaa laba safar oo rasmiya ku tegay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Shiinaha oo uu la soo saxiixday heshiisyo horumarineed

PUNTLAND POST