Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay saddex agaasime-waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland.
Beexaani Axmed Barre ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada (IDP’s& Refugee) ee wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland.
Sidoo kale, Hodan Siciid Xassan ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee wasaaradda, halka uu Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud u magacaabay agaasimaha Waaxda Nabadeynta iyo Dib u-heshiisiinta wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland.
Hoos ka akhriso dikreetada madaxweynaha

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.