Ergooyinka ka qaybgelaya shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo Dhuusamareeb ku qulqulaya.

Xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ilaa shalay gelinkii dambe ku sii qulqulaya ergooyinka ka qaybgeli doona shirka dibu heshiisiinta ee beelaha degan guud ahaan maamulka Galmudug.

Ergooyinka kala duwan ee ka qayb geli doona shirka dibu heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey xubnaha gudiga qaban qaabada shirkaasi oo dhowaan furmi doona.

Waxgaradka iyo isimada dhaqanka Guri-ceel iyo Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka dalbadeen dhaqanka iyo waxgaradka degmooyinka kale ee Galmudug inay ka soo qayb galaan shirka gogoshiisu taal Dhuusamareeb.

Waxaa siweyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb oo uu 17 bishaan ka furmi doono shirka dibu heshiisiinta ee beelaha degan maamulka Galmudug xilli ay weli beelaha qaar diidan yihiin ka qaybgalkiisa.

PUNTLANDPOST