Ciidamada DANAB oo ku wajahan fariisimada Alshabaab ee ka agdhaw Awdheegle.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saaka dhaqdhaqaaqyo xoogan waxa ay ka wadaan deegaamo hoosyimaada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Taliska ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgallaadaan looga golleeyahay sidii ay Alshabaab uga saari lahaayeen deegaamada iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada Awdheegle.

Dadka deegaanka oo aan xiriir la samaynay ayaa noo xaqiijiyey in dhaqdhaqaaqyadaani ay aad u xoogan yihiin isla markaana ciidamada oo rasaas rida ay u ruuqaan sadeen deegaamo Alshabaab lagu tuhunsan yahay.

Awdheegle oo ay marar badan gacan ku haynteeda u kala dambeeyeen ciidmaada dowladda iyo Alshabaab ayaa waxa ay dhanka Galbeed kaga beegan tahay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

PUNTLANDPOST