Xilliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanyo Dhuusamareeb oo la shaaciyay

Dhuusa-mareeeb (PP) ─ Kulan ay magalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug ku yeesheen guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshisiinta Galmudug ayaa waxay soo saareen hab-raac la xiriira qabsoomida shirkaas oo diyaar-garoowgiisu uu socdo.

Guddiga ayaa shirkjooda kasoo saaray shan qodob oo uu ku furmo karo shirkaas oo lagu wado in Dhuusa-mareeb uu ka furmo 17 ka Bishan lagu jiro, waxaana go’aannada ay soo saareen ka mid ah;

1. Bilawga soo dhaweynta iyo qaabilaadda ergooyinka ka qayb-galaya shirka

2. Hubinta iyo kormeeridda goobaha shirka iyo deegaanka ergooyinka.

3. Diyaarinta ajandaha iyo agabyada shirka.

4. Wargelinta iyo diyaar-garowga hay’adaha amniga iyo wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka.

5. Xadeynta waqtiga soo gaaridda ergooyinka goobta shirka oo ah: 14-ka illaa 16-ka bishan iyo furitaanka shirka oo ah: 17-ka bishan.

Sidoo kale, Dhuusa-mareeb waxaa ka socda diyaar-garoow ku aaddan qabsoomidda shirka dib-u-heshisiinta beelaha Galmudug, iyadoo lagu doonayo shirkan in beeluhu ay isku lab-xaarnaadaan ka hor dhismaha maamulka cushb ee Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa bil iyo bar ku maqnaa deegaannada Galmudug, isagoo diyaarinayay shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo Dhuusa-mareeb, isagoo xusay in shirkan uu udub dhexaad  u noqon doono Galmudug cusub oo la dhiso.

Ugu dambeyn, Furitaanka shirkan dib u heshiisiinta Dhuusa-mareeb ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Hobyo uu ka socdo shir beeleed gaar ah, kaasoo lagu heshiisiinayo beelo ka mid ah kuwa daga Galmudug.

PUNTLAND POST