Wararkii ugu dambeeyey ee hardanka doorashada Jubbaland

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garaw xoogan oo ku aadan doorashada madaxtinimada ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha xilligaan ee Jubbaland oo markale musharax ah iyo qaar kamid ah musharixiinta sida aadka ah uga soo horjeeda ayaa ku wada sugan magaalada inkastoo aad loogu kala fogaadey arrimaha xulista barlamaanka cusub.


Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa xalay ku dhawaaqay xubnaha cusub ee barlamaanka Jubbaland, waxaana ka soo horjeestey kooxda la baxday musharixiinta isbedel doonka ah ee Jubbaland oo intooda badan ku sugnaa bilihii ugu dambeeyey Muqdisho iyo Nairobi.


Xubnaha beesha caalamka, urur goboleedka IGAD, midowga Africa iyo diblumaasiyiin heer gobol ah ayaa ku mashquulsan sidii labada dhinac laysugu keeni lahaa si ay Jubbaland uga dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin oo xalaal ah.


Ra’yi ururin laga sameeyey magaalada Kismaayo ayaa boqolkiiba 98% dadkii shacabka ahaa ee suuqyada su’aalaha lagu waydiiyey waxa ay u codeeyeen madaxweynaha xilligaan Axmed Maxamed Islaam, inkastoo mucaaradaadka ugu badan uu ka soo wajahay gobolka Gedo oo ay saamayn xoogan ku leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.


Madaxda ugu saraysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay aad isu hayaan Axmed Madoobe ayaa wada qorshayaal ay meesha kaga saarayaan isla markaana ay Jubbaland ku keenayaan shaqsi taageersan DFS, si lamid ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo hadda qudheeda khilaaf ka taagan yahay.


Shacabka Jubbaland ayaa aad uga walaacsan in haddii doorashadu ay dhacdo iyadoo aan wax xal ah laga gaarin khilaafka hadda jira uu dagaal ka dhici karo Jubbaland, maadaama musharixiinta qaar ku goodiyeen inaysan aqbali doonin dib u doorashada Axmed Madoobe.

PUNTLANDPOST