Sucuudiga oo 50 maxbuus iyo qoysaskooda u ogolaaday inay Xajjiyaan.

Dowladda Sucuudiga ayaa maalinimadii Isniinta waxa ay si kumeel gaar ah waxa ay u fasaxday 50 maxaabiis ah si ay uga qayb qaataan qaar kamid ah acmaasha sanad laha ah ee Xajka.


Agaasimaha guud ee xabsiyada Sucuudiga ayaa u ogolaaday 50 maxbuus iyo in ka badan 30 kamid ah eheladooda inay ka qayb qaataan qaar kamid ah acmaasha ugu muhiimsan ee sanadkiiba hal mar laga sameeyo magaalada barakaysan ee Makka.


Sarkaalkaan ayaa sheegay in sii daynta maxaabiistaani ay qayb ka qaadan doonto dhaqan celinta lagu samaynayo maxaabiista si loo yareeyo khatartooda ayna u dhex galaan bulshada inteeda kale.


Mashruucaan oo lagu magacaabo AAMINAAD ayaa waxa uu ka kooban yahay barnaamijyo isugu jira dhaqan celin, madadaalo iyo wacyigelin si maxaabiistu ay bulshada ula jaan qaadaan marka ay si rasmi ah xabsiga uga baxaan

PUNTLANDPOST