Musharraxiinta Jubbaland oo ku dhawaaqay inaysan aqoonsanayn xildhibaannada cusub

Kismaayo (PP) ─ Iyadoo guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ay xalay ku dhawaaqeen liiska xildhibaannada cusub ee golaha baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 73-xubnood, ayaa waxaa xubnaha lagu dhawaaqay ka hor-yimid qaar ka mid ah musharraxiinta hoggaanka Jubbaland u tartamaya.

Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharixiinta isbeddel-doonka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad, isla markaana aysan aqoonsaneyn shaqo kasta oo ay qabtaan guddiga madaxa-bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Sidoo kale, Musharraxa oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in soo xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Jubbaland ay shaqadooda ahayd odayaasha dhaqanka beelaha, balse qaabka hadda loosoo xulay uu yahay mid sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka Jubbaland.

Musharraxa ayaa intaas ku daray in qaar badan oo ka mid ah odayaasha la yiqiinnay ee Jubbaland laga saaray liiska odayaasha loogu talo-galay inay soo xulaan xildhibaannada, isagoo dhaliil u jeediyay guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Dhanka kale, musharixiinta la magic-baxay isbeddel-doonka Jubbaland ayaa horay waxay u shaaciyeen inaysan aqoonsan doonin xildhibaannada cuusb ee loosoo xulayo Jubbaland, waxaana la sugayaa jawaabta ay ka bixiso DF.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada cusub ee magacyadooda lagu dhawaaqay ayaa la sheegay inay intooda badan yihiin dhallinyaro, waxaana ku jira sagaal haween ah oo ay ku jiro gabar yar oo suxufiyad ahayd, laakiinse u xuub-siibatay hadda siyaasiyad.

PUNTLAND POST