Madaxweyne Madoobe iyo Xisbiyo ka Hadlay Xildhibaannada la Dhaariyay ee Jubbaland

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed  Islaam [Axmed Madoobe] iyo xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir iyo Himilo ayaa ka hadlay xildhibaannada la dhaariyay ee Jubbaland, iyagoo xubnaha baarlamaanka labaad ee Jubbaland u rajeeyay inuu RABBI u fududeeyo hawlaha loo xil-saaray.

Axmed Madoobe ayaa xubnahan cusub ee ka mid noqday baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland u rajaynayaa inuu ALLE la garab-galo mas’uuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen, taasoo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku fara-adeygid mudan.

“Shacabka Jubbaland waxaan ugu baaqayaa inay garab-istaagaan mid ka mid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taasoo waddada u xaarysa qaybaha ka dhiman oo ay doorashada gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu horreeyaan,“ ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. in amniga iyo midnimada guud ee Jubbaland la adkeeyo oo shacabka reer Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taasoo raad qurux badan u noqonaysa dowlad-nimada iyo dimuquraadiyadda Jubbaland.

Dhanka kale, Xisbiiyada Himilo iyo Wadajir oo ay kala hoggaamiyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhankooda u rajeeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland inuu ALLE la garab-galo xilka dusha loo saaray, iyagoo xildhiabannada ka dalbaday inay xoojiyaan sidii ay u heli lahayd Jubbaland hoggaan wanaagsan.

“Xisbiga Wadajir wuxuu cambaareynayaa ficillada aan wanaagsanan ee ay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka ah uu ku doonayo in Jubbaland ay uga abuuraan xasillooni-darro. Waxaana uga digaynaa inay ka waantoobaan inay carqaladeeyaan doorashada Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan maanta kasoo baxay xisbiga Wadajir.

Waxaa kaloo war-saxaafadeed uu arrinta uga hadlay soo saaray xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, waxayna ugu mahad-celiyeen guddiga doorashada Jubbaland, iyagoo sheegay in dadaalka ay ku bixyeen inay soo xulaan xildhibaanno ay ugu bixiyaan in si hufan loosoo doorto xilka madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Jubbaland.

“Doorashada soo socota waxaan ku baaqaynaa inay u dhacdo si hufan oo xalaal ah, waxaana shacabka Jubbaland iyo hoggaankooda ugu baaqaynaa inay adkeeyaan amaanka guud ee Kismaayo iyo deegaannada kale, si ay u dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran.

Ugu dambeyn, Musharraxiinta u tartamaya doorashada Jubbaland ayaa soo saaray dhankooda liis kale oo ay sheegeen inay yihiin xildhibaanno, inkastoo lagu tilmaamay kuwo aan sharci ahayn, waxaana la sugayaa qaabka ay u dhici doonto doorashada madaxweynaha Jubbaland.

PUNTLAND POST