Mid kamid ah beelaha Puntland oo ku dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka

Sawirka: magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar

Mid kamid ah beelaha Puntland oo shir uga socday tuulada GERI-HEL oo ka tirsan degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa shirkaasi kaga dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka oo ay ku saxiixan yihiin 18 oday oo samadoonno cuqaal iyo nabaddoono ka kooban ayaa lagu sheegay in beeshu ay qaadatay hirgelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka ee beesha dhexdeeda iyo wixii kala gala dadka ay ood-wadaagta yihiin labadaba.

Sidoo kale beeshu waxay war-murtiyeedka ku sheegtay in ay dhistay laba guddi oo kala ah guddiga dhowrista iyo ilaalinta degaanka oo ka shaqeyn doona ka hortagga xaalufinta iyo adkaynta nabadgelyada degaanka beesha iyo sidoo kale guddiga dhaqaalaha gudaha iyo debadda ee beesha.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka shirka

PUNTLAND POST