Odoyaal iyo Culimo udiin maanta shir jaraa,iid ku qabtay GAROWE ayaa faahfaahin ka bixiyay go,aamo kasoo baxay Shir todobaad uga socdey mid ka mid ah beelaha Gobolka Nugaal magaalada Qarxis oo hoostagta degmada Eyl.
Odoyaasha iyo Culimada ayaa sheegay shirkaas inay kasoo saareen go’aamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dhismaha wadada Eyl in looga dambeeyo Dr Aadan Maxamed Ciise Gaadaale oo ay sheegeen inuu kasoo shaqeynayay muddo islamarkaana aysan jirin cid kale oo u dhaxeyn karta dowladda,shirkadda dhisaysa iyo beesha oo uu wakiil uga yahay Aadan Gaadaale.
Sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen odoyaasha iyo culimadda la hadlay saxaafadda inay wax ka bedel ku sameeyeen habkii horre ee xeer beegtida beeshu ay ku wajahi jirtay falalka la xidhiidha qisaasta,kufsiga iyo magaha.
Waxayna sheegeen ka dib markey dhibaatooyin badan kasoo noqnoqdeen habkii horre in hadda ay uga guureen ku dhaqanka shareecadda Islaamka.
Arrintaan waxay sheegeen inay meesha ka saareyso xeerarkii horre ee lagu dhaqmi jirey falalka qisaasta,kufsiga iyo dhaawaca oo iminka ay ku bedesheen inay ku wajahi doonaan xukunka shareecadda islaamka.
Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran iyo sawirad



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.