Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo uu kala hadlay la shaqeynta Ciidanka Kumandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Al-shabaab ka saaray degaanka Awdheegle.
Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Sheegay in ay safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Kumandooska Danab ee Xoogga dalka oo todobaadkii hore Al-shabaab ka saaray Awdheegle.
Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genraal Odowaa Yuusuf raage ,Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar), Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha Hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,isagoona bogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka Al-shabaab looga xoraynayo degaannada ay ka haystaan gobolka Shabeellada dhexe.
Guddoomiyaha aya qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsaday in ay soo dhoweeyaan islamarkaana la shaqeeyan xoogga dalka ee ku sugan degaanka.
Hoos ka eeg sawirada mas’uuliyiinta
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.