Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ee ay siin jirtay odayaasha loo aqoonsanyahay Nabaddoonada sharciga ah ee beelaha.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo la ogaysiiyay xafsiiska madaxweynaha ayaa dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland lagu amray in ay hakiyaan waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ilaa iyo amar dambe.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ay dhammaystirayso habraaca waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada kadibna ay dib ka fasixi doonto bixinta aqoonsiga Nabaddoonimada
Hoos ka eeg qoraalka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.