
Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa ku amray shacabka magaalada Boosaaso in aan wax gaadiid ah la isticmaali karin laga bilaabo caawa 12:00am ilaa 10:00am ee berri oo Axad ah kuna beegan maalinta Ciidda ah.
Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay in go’aankan ay u qaateen si loo adkeeyo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland maadaama ay dad badani soo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan.
Sidoo kale maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliiska gobolka ayaa mamnuucay in Lagu tukado Garoonka/Isbartiibada Kubadda cagta Boosaaso Horay Saladaha Ciidda loogu tukan Jiray.
Hoos ka daawo go’aannada ka soo baxay Booliiska
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.