Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday, natiijada Hordhac ah ee ka soo baxday, baaritaankii hay’adaha Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wadeen, xogta qaraxii ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Xamar.
Qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintey mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow, guddoomiye ku xigeeno ,agaasimayaal iyo shaqaale kale.
Sida ay sheegtay wasaaradda Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, baaritaan hordhaca oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in qaraxa ay fulisay qof dumar ah oo ka shaqeynaysay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii ay caawinaad ka heshay haweenay kale oo ka shaqeynaysay isla Dowladda Hoose ee Xamar.
Baaritaanka waxaa kale oo lagu ogaaday, in labada gabdhood ay fasaxyo isku dhow mudda bil gudaheed ah ka qaateen Dowladda Hoose, iyadoo xogta qaar tilmaantay in ay tageen dhulka ay Al-shabaab ka teliso.
Sidoo kale, natiijada baaritaanka waxaa lagu sheegay in haweenayda is-qarxisay ay kamid ahayd dadka baahiyaha gaarka ah qaba islamarkaana iyada iyo gabadha kaleba aan si dhammaystiran loo hubin markii hore ee la shaqaalaysiinayey.
Hoos ka akhriso Qoraalka oo faahfaahsan

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.