Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shuruud ku xirtay in ay aqbasho natiijada doorashada Jubaland

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shuruud ku xirtay in ay aqbasho natiijada ka soo baxda doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland

War-saxaafadeed ka soo baxay, wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dowlad goboleedka Jubaland looga dalbaday in ay fuliso saddex qodob oo ku saabsan arrimaha doorashada, haddii kalena aysan Villa Somalia aqbali doonin natiijada ka soo baxda doorashada Jubaland.

Qododada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dalbatay Jubaland, waxaa kamid ah in liiska odayaasha soo xulaya xildhibaannada la waafajiyo liiska odayaasha dhaqanka ee u diiwaan-gashan wasaaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo kamid ah in marka hore la soo dhammaystiro xildhibaannada Baarlamanka Jubaland,dabadeedna xildhibaannada cusub ay doortaan guddoonka Golaha iyo madaxweynaha Jubaland, islamarkaana ay doorashdu u dhacdo, hannaan daah-furan oo xor iyo xalaal ah.

Dowladda Federaalku, waxay sheegtay in ay go’aankan u qaadatay, kadib markii ay si is daba-joog ah u soo gaareen cabashooyin ka imaanaya beelaha Jubaland, odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah musharrixiinta oo ka walaacsan qaabka loo maamulayo geeddi-socodka doorashada Jubaland.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST