Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa xalay shaacisay jadwalka dhismaha golayaasha degaanka 7 degmo oo ka kala tirsan gobollada Bari, Guardafui, Mudug iyo Nugaal.
Sida wasaaraddu sheegtay golaha degaanka degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa la dhisi doonaa 31-Agoosto 2019, halka golaha degaanka degmada Galdogob ee isla gobolkaasi Mudug la dhisi doono 8-September ee sannadkan.
Sidoo kale golaha degaanka degmada Baargaal ee gobolka Guardafui ayaa la dhisi doonaa 11-September-2019, halka golaha degaanka degmada Gumbax oo ka tirsan isla gobolkaasi la dhisi doono 15-September.
Golaha degaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa sida wasaaraddu sheegtay la dhisi doonaa 5-September-2019, iyadoo golaha degaanka degmada Isku-Shuban ee isla gobolka Bari la dhisi doono 20-September, halka golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal la dhisi doono 3-October-2019.
Ugu dambeyntii, wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxay ku wargelisay odayaasha iyo nabaddoonada degmooyinkaasi in ay 15 cisha ka hor wakhtiyada la cayimay, ay sii diyaariyaan xubnaha kamid noqon doona golayaasha degaanka.
Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.