Murashaxiinta Jubbaland oo shuruudo adag ku xiray ka qayb-galkooda doorashada

Kismaayo (PP) ─ Musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada Jubbaland ee la flinayo inay bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa kulan ay la yeesheen ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxay kasoo saareen bayaan cad.

Kulanka ay yeesheen Maxamed Cali Guyo iyo musharraxiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaannadda maamulku ka  taliyo gaar ahaan amaanka, siyaasada iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, Musharraxiinta oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta, ayaa soo bandhigay 10-qodob oo ay ku xireen ka qayb-galka doorashadda oo ay horay uga biyo-diideen.

Shuruudaha ay musharraxiintu soo saareen ayaa waxay kala yihiin;

1. In la beddelo guddiga doorashooyinka kaasoo ku dhisan qaab aan sharci ahayn una adeegaya madaxweynaha waqtigiisu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe.

2. In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sida uu qabo dastuurka, kaasoo aan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geeddi-socodka daruuriga ah ee loo baahdo.

3. In odayaasha saxda ah ay soo xulaan xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland, maadaama aan shaki weyn ka qabno kuwa hadda jira.

4. In hal murashax oo keliya loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama xilligan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo.

5. In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah.

6. In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sida xarunta Qaramada Midoobay.

7. In ciidamada AMISOM ay sugaan amniga goobta ay doorashadda ka dhici doonto iyo weliba amniga musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada.

8 – In Dowladda Federaalka Somalia ay goob-joog ka noqoto doorashada.

9. In kor-joogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta.

10. In warbaahinta caalamka iyo tan maxalliga ah ay door ku yeeshaan tabinta doorashada.

Ugu dambeyn, Qodobbada ay soo saareen musharraxiinta isbedel doonka ah ee Jubbaland ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo odayaasha dhaqanka la sheegay inay gudbiyeen liiskii ugu dambeeyay ee xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Jubbaland.

PUNTLAND POST