Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland oo Garowe ka daah-furay Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka

Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe, ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Wasiirka caafimaadka, wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga, xirfadlayaal caafimaad iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Sanadlkan halk ku dhig loo qaatay,” ku dhiirrigalinta hooyooyinku inay sameeyaan Naas ku habboon hadda iyo msutaqbalka.

Waa maxay Naas nuujinta habboon?

Dr, Cabdiraxmaan Muuse oo kamid ahaa dadkii ka hadlay xaflada ayaa sheegay Naas nuujinta habboon inay tahay, 1: Hooyada markay ilmaha dhasho inay markiiba ilmaha Naaska ku qabato. 2: Lixda bilood ugu horeysay inay hooyadu ilmaha siiyo Caanaha Naaska oo kaliya. 3: In Naas nuujinta loosii wado ilaa labo sano iyadoo loogu darayo biyo iyo cuntooyin fudud.

Heerka Naas Nuujinta Soomaaliya, ayaa aad looga deyriyay, iyadoo warbixinta lagu sheegay in tobankii hooyo ee ku nool Soomaaliya saddex kamid ah ay ilmahooda si habboon Naaska u nuujiyaan, tusaale ahaan inay lix bilood Caanaha Naaska ku habaan ilmahooda iyagoo barax tiran.

Sababaha ugu weyn heerkaan gaarsiiyay Naas nuujinta ayaa lagu tilmaamay, aqoon la’aan hooyooyinka haysta, heerka wacyi galinta muhiimada Naas nuujintu oo aad ugu yar bulshada dhexdeeda iyo caanaha suuqyada lagu iibiyo loona sameeyo xayeysiisyada oo dagaal kula jira caanihii dabiiciga ahaa ee Naaska hooyada.

Si loo dhiiri galiyo Naas nuujinta habboon, waxaa masuuliyiinta dowladda ee ka qeyb galay xaflada isku booriyeen in la dhaqan galiyo xeer dowladda kasoo baxay oo u oggolaanayo hooyooyinka in waqtiyada ay ku jiraan shaqada lasiiyo fasax labo saacaddood maalin kasta ah, si ay fursad ugu helaan inay ilmahooda Naaska soo siiyaan.

Waxaa kaloo masuuliyiinta dowladda ay warbaahinta ka codsadeen in la joojiyo xayeysiiyada loo sameeyo Caanaha suuqyada lagu iibiyo oo keenay in hooyadu marka ay dhasho ay suuqa kasoo iibsato Caanahaan, iyadoo laga dhaadhiciyay fikrado qaldan oo ah caanahaas inay ka waxtar fiican yihiin caanaha ku jira Naaskeeda.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Jaamac Faarax, ayaa hooyooyinka ku baraarujiyay inay ilmahooda ugu yaraan Naaska nuujiyaan 12 ka bilood ee ugu horeysa, si ay ubadkooda uga badbaadiyaan cudurada caanaha Naasku ka difaaco jirka ilmaha. Waxaa sidoo kale wasiirku faray in hooyooyinka Naaska nuujiya ee shaqaalaha dowladda katirsan ay xaq uleeyihiin fasaxa naas nuujinta iyo dhalmada.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo daah-furay Asbuucaan Naas-nuujinta ayaa sheegay in faa’iido ballaaran caruurta ay u leeyihiin naaska oo la nuujiyo, taas oo uu tilmaamay caafimaad ahaan inay tahay wax wanaagsan.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Saraakiisha Caafimaadkaba faray inay wacyigalinta gaarsiiyaan dhammaan gobolada Puntland, isla markaana hooyooyinka la dareensiiyo faa’iidada laga helayo caruurta oo naaska ay siiyaan.

Halkaan hoose ka daawo

PUNTLAND POST