Guddoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in aan khilaaf ka dhex jirin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo saaka wareysi siinayey Laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBBC-da ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Waxna waa wax Dastuuriya oo lagu khasbanyahay, hadday noqon lahayd dowladda Federaalka ah, iyo ama dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ku saabsan sidii loo wada-shaqeyn lahaa, marka mar haddii Dastuurkaas KMG la ilaalinayo, wax khilaafa oo meesha imaan kara malaha” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in loo baahanyahay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada, ay ku dhaqmaan Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla, si aan khilaafba u imaan, haddii uu yimaadan loola noqdo Dastuurka.

Halkaan ka dhegayso codkiisa

PUNTLAND POST