Kooxda Al-shabaab ayaa degaanka Buula-fulay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay, madax-dhaqameed ay sheegtay in ay kamid ahaayeen, ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal iyo sawirro ay baahisay warbaahinta Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in munaasabad Towbad-keen ah loo qabtay 80 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha oo fulinaya amarka Al-shabaab, ay uga yimaadeen degaannada Koofur Galbeed iyo Jubaland, si ay uga towbad keenaan soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto labadaasi dowlad goboleed.
Waxa kale oo Al-shabaab ay sheegtay in dhammaan odayaasha mar kale towbadda loo qabtay, dabadeedna muxaadirooyin dhaqan-celin ah la siiyay, laguna amray in ay degaannadoodii gaarsiiyan farriinta Al-shabaab.
Waa markii labaad oo todobaad gudihii ay Al-shabaab soo bandhigto odayaal-dhaqameed ay ku sheegtay in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Federaalka, iyadoo maalmo ka hor soo bandhigtay in ka badan 80 oday oo ka yimid Galmudug iyo Hirshabeelle.
Halkaan ka eeg sawirada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.