Madaxa Xukuumadda Galmudug, ahna xubin ka tirsan hoggaanka sare ee Ahlu-sunna Waljamaaca, Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa shaki geliyay fulinta heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, waxaana uu su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisidda Galmudug.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir oo loo diray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, lana ogeysiiyay madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James swan, ayaa Villa Somalia looga dalbaday inay jawaab degdeg ka keento arrimo socda oo ka baxsan heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in ay jiraan arrimo xadgudub ku ah heshiiskii labada dhinac, sida magacaabidda Taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiska, soo daabulidda Ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan Heshiiska iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan ahayn ciidankii isku dhafka ahaa.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.