Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan ku saabsanaa kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin yoolalka horumarineed ee Waara (SDGs).
Waxaa kulanka qeyb galay xubno ka socday Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSA oo uu u horreeyo guddoomiyaha Dalladda Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre oo ah qabiir ku xeel dheer arrimaha bulshada iyo marti sharaf kale oo badan.
Mac-hadka SIDRA ayaa kulanka ku soo bandhigay nuqul kamid ah cilmi baaris uu wado oo ku saabsan doorka bulshada rayidka ay ku Leedahay hirgalinta iyo joogtaynta Hadafyadda horumarineed ee Waara.
Halkaan hoose ka akhriso nuqulada Cilmi-baarista


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.