
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Saaka dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab, ayna dilal iyo qaraxyo ka geysan jireen gudaha magaalada Muqdisho.
Labada nin oo magacyadooda lagu sheegay Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadan ayaa sida maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay geysteen weerarro ay ku dhinteen dad kala duwan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jira.
Dembiyada ay maxkamaddu ku heshay labada nin ayaa waxaa kamid ah Weerarkii 1 November 2015kii lagu qaaday Hotel Saxafi oo ay ku dhinteen dad badani iyo Dilka Xog-hayihii guud ee ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xaashi iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale.
Sidoo kale waxaa lagu helay in ay ka dambeeyeen weerarkii Tiyaatarka iyo Daljirka Daahsoon oo ay ku dhinteen dad uu kamid ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad iyo weerar kale oo lagu laayay Qoys gaari saarnaa oo ay ku jireen Carruur kana dhacay meel u dhow Isbitaalka Ex Digfeer Ordugan.
Labada nin oo ay hore xukun dil ah ugu rideen heerarka Kala duwan ee maxkamadaha ciidanka Qalabka sida ayaa Saaka Aroortii hore lagu toogtay Fagaaraha loo yaqaan Caddaalada ee magaalada Muqdisho.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.