Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo ay weheliso Marwada Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Luul Yuusuf Xasan, ayaa caawa Casho sharaf u sameysay Haweenka Puntland.
Kulanka Casho Sharafta ah waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Haweenka ee Dowladda Puntland Aamino Cismaan Xaaji, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Puntland ah iyo qeybaha kala duwan ee Haweenka Puntland.
Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo khudbad kooban ka jeedisay halkaasi, ayaa dib u xasuusisay Haweenka doorkii ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Puntland iyo sida ay lafdhabar Haweenku ugu yihiin Bulsho kasta.
Marwo Ijaabo waxay Haweenka uga mahadcelisay doorkii ay ka qaateen todobaadka Puntland iyo xuskii 1da August. Marwada Madaxweynaha ayaa Haweenka Puntland u sheegtay inay kala shaqeynayso wax ka qabashada tacadiyada haweenku la kulmaan.
Ugu Danbeyn Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf ayaa soo dhoweysay Shirkii Haweenka Puntland ee dhawaan ka qabsoomay Garoowe iyo qodobadii kasoo baxay, Marwo Ijaabo ayaa bogaadisay dadaalka Haweenka ee wanaajinta iyo horumarinta Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.