Mac-hadka SIDRA daraasad ka sameeyay Kaalinta Waxbarashada ee Hoggaaminta dhalinyarada

Mac-hadka Horumarinta Cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa maanta oo Axad ah Garoowe ku soo geba-gabeeyay, dood ku saabsanayd daraasad horu dhac ah oo ka hadlaysay kaalinta ay Waxbarashadu ku leedahay, soo saarista dhalinyaro u carbisan Hoggaaminta dalka.

Daraasaddan oo ay taageeraysay Hay’adda ADRA, ayaa dooddeeda waxaa ka qeyb-qaatay dhalinyaro aqoonyahanno ah iyo dallada dhalinyarada Puntland ee PYAN.

Ka qeyb galayaasha doodda, oo talo iyo tusaale ku darsanayay cilmi baarista, ayaa tilmaamay in xog ururinta ku jirta cilmi baarista, ay tahay mid saameyn weyn ku leh hoggaaminta dhalinyarada.

Runtii waa cilmi baaris dhaxal gal ah oo ay u baahan tahay Soomaaliya, sababtoo Soomaaliya waa meel inta badan aan xog dhab ah laga haysanin dhibaatooyinka bulsheed ee ka jira” ayuu yiri mid kamid ah qeyb doodda cilmi baarista.

Marka la soo koobo, daraasaddan waxay iftiiminaysay in jiilka soo koraya, gaar ahaanna ardayda dugsiyada sare, aysan ku baraarugsanayn, in ay yihiin mustaqbalkii dalka ee berito.

Waxaa kale oo cilmi baaristu soo jeedinaysay is waafajinta waxbarashada madaniga ah iyo saamaynta hoggaamineed ee dhalinyarada.

Caasho Cali Siciid oo ka socotay jaamacadda PSU, waxay sheegtay in ay muhiim tahay, in dhalinyarada hoggaaminta la barayo laga soo bilaabo meel hoose sida marka ay ku jiraan marxaladda waxbarashada aas’aasiga ah.

Halkaan hoose ka eeg sawirada

PUNTLAND POST