Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay buuxisay dhammaan shuruudihii Deyn Cafinta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Axad ah guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Shirka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiiru-dowladaha wasaaradda Maaliyada, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo guddoomiyaha guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Kulanka intii uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog laga siiyay heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha, waxaana aad loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruuda ku xiran wareega afaraad ee qorshaha daynta dalka looga cafinayo (SPM4), heshiiyada ay wada galeen dowladda iyo hey’adaha maaliyadda adduunka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah deynta cafinta ee baarlamaanka laga doonayo in ay meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradda Maaliyadda, hay’adaha qaybta ka ah ka shaqeynta qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka daynta looga cafinayo in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha, si guul looga gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay buuxisay dhammaan shurudihihii ku xirnaa SMP1, SM2 iyo SMP3, waxaana ay tilmaantay in dhammaan hey’adaha Maaliyadda dunida iyo wadamada deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen nidaamkeeda Maaliyadeed.

PUNTLAND POST