Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in hadda uu qarax ka dhacay nawaaxiga hoteelkii hore loo oron jiray Ramaada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay islamarkaana lala eegtay gaari halkaasi marayey balse faahfaahin dheeriya lagama hayo.

Warar kale ayaa sheegaya in gaariga uu saarnaa wasiirkii hore ee Qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax inkastoo aan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Faahfaahinta kala soco Puntland Post