Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Sabtidii shalay magaalada Istanbul ka dhagax-dhigay, kaniisad cusub oo ay ku cibaadaysan doonaan, dadka loo yaqaanno Assyrians-ka ee haysta MAD-HABKA Orthodox ee Diinta Kirishtanka.
Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayey munaasabadda dhagax-dhiga Kiniisadda cusub, ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay xuquuq siman ku leeyihiin dhammaan muwaaddiniinteeda, iyadoo aan loo eegayn dhaqamada iyo Diimaha ay kala haystaan.
Mr Erdogan ayaa sheegay in dhismaha kaniisadda cusub uu qaadan doono mudda laba sano ah ama wax ka yar.
Bulshada Assyrians-ka ee haysta MAD-HABKA Orthodox ee Diinta Kirishtanka, ayaa kamid ah dadka laga tira-badanyahay ee ku nool waddanka Turkiga.
Assyrians-ka ku nool Turkiga ayaa lagu qiyaasaa 18-kun oo qof oo badankoodu deggan magaalada Istanbul.
PUNTLAND POST