Hal askari oo ka tirsan ilaaladad wasiirkii hore ee Qorshaynta dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ku dhaawacmay qarax goor dhoweyd lala eegtay gaariga wasiirka oo marayey laamiga bartamaga magaalada Boosaaso.
Gaariga wasiirka oo ahaa nooca loo yaqaan HELUX ayaa qaraxa lala eegtay xilli uu marayey laamiga weyn ee bartamaha magaalada waxaana ku dhaawacmay hal askari oo dusha saarnaa sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Boosaaso.
Wasiirka oo gaariga la socday ayaan wax dhibaato ah ka soo gaarin qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka lagu sii aasay, sidoo kale lama sheegin wax khasaare ah oo cid kale ka soo gaaray .
PUNTLAND POST