Kooxda Al-shabaab, ayaa degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay, in badan 80 oday-dhaqameed oo sida ay sheegtay kamid ahaa ergooyinkii sool xulay Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Warbaahinta taageerta Al-shabaab, ayaa soo bandhigay sawiro ay ku sheegeen qaar kamid ah odoyaashii soo xulay Baarlamanka Federaalka oo Al-shabaab ay towbadda u qabteen.
Al-shabaab waxay sheegtay in ay cafis u fidisay, odoyaasha towbad keenay oo ka kooban 86 oday, kuwaasi oo 53 kamid ah ay ka yimaadeen degaannada Hirshabeelle, halka 33 kalena ay ka yimaadeen Galmudug.
Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in odoyaashu ay ballan-qaadeen, markii ay ku laabtaan degaannadooda in ay bulshada ku baraarujin doonaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Halkaan hoose ka eeg sawirada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.