Puntland oo sheegtay in maxaabiista burcad-badeednimada ugu xiran Garoowe ay xaq-darro ku xiran yihiin

Guddomiye Ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), ayaa Sabtida maanta kormeeray Taliska guud ee ciidanka Asluubta Puntland iyo xabsiga weyn ee caasimadda Garoowe.

Kormeerka Guddoomiyaha waxaa ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud, xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Muhiimadda kormeerka ayaa la xiriirtay ogaanshaha xaaladda maxaabiis Soomaliyeed oo ku xukuman Burcad Badeed, kuwaasi oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe. Guddomiye Ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa kadib kormeerkaasi la hadlay warbaahinta.

Waa dedaalaynaa dowladdana waa ku warcelinaynaa, jawaabbaan idinku soo celinaynaa, haddaba rajadaydu waxay ahayd inaad diyaaradda ila raacdaan, lakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”.

Waan u Mahadcelinayaa Dowladda Puntland iyo hay’addaheeda garsoorkaba, dedaal muuqda ayay mujiyeen, waan idiin soo jawaabaynaa, howshiinana waa usoo noqon doonnaa” Ayuu yiri Abshir Bukhaari

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud ayaa isna xusay in dowladda Puntland inta tabarteeda ah dedaal walba u samaysay siidaynta maxaabiista Soomaliyeed ee ku eedaysan burcad badeednimada

Puntland waa dedaashay, haddana waa dedaalaynaa, laakiin xeerar aan laga gudbi karin baa jira” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa dhankiisa sheegay in xukunka 48 eedaysanayaal Burcad Badeed oo Puntland ku-xiran ay xaq-darro tahay

Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u qareento, Puntland intii tamarteeda ah waa dedaashay, Baarlamaanka ha u qareemeen dadkaas si ay raggani cadaaladdooda u helaan” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyuhu.

Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada oo dhammaystiran

PUNTLAND POST