Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo guddoomiyihii gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid diyaaraddii maydka keeni lahayd kadib markii sida uu sheegay cillad farsamo ay dhacday.
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda isla maraana loo beddelay Diyaarad kale iyadoo qorshuhu uu yahay in Berriya maydka la keeno magaalada Muqdisho.
“Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri Wasiir Canshuur.
Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan
PUNTLAND POST