Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu todobaadkan mar kale magacaabo mas’uuliyiin cusub oo ka tirsan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland, si uu u sii dhammaystiro isbeddelka maamul ee uu soo waday todobaadyadii tegay.
Isbeddelka uu madaxweynuhu ku samaynayo agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada wasaaradaha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda oo todobaadkii la soo dhaaafay hakad-galay, maadaama la xusayey munaasabadda 1-da Agoosto, ayaa la sugayaa in uu todobaadkan dhammaystiro.
Ilo’ xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynuhu uu todobaadkan isbeddel ku samayn doono agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada Wasaaradaha iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta kale ee dowladda. Isbeddelkan ayaa sida la sheegayo saamayn doona wasaarado kala duwan.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa isla todobaadkan magacaabi doona, 5 xubnood ee u horreeya guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland, kadib markii ay is-wada casileen xubnihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland ee (TPEC).
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa madaxweynuhu soo bilaabay, isbeddelka la sugayo in uu haatan sii dhammaystiro, iyadoo uu hore u magacaabay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradaha iyo mas’uuliyiin kaleba.
PUNTLAND POST