Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid cabdullaahi Deni, ayaa xalay mar kale khudbad ka jeediyay, munaasabad lagu maamuusayo loogana mahad-celinayo madaxdii iyo bulshadii kasoo qeyb-galay xuska 1-da Agoosto oo ku beegan sannad-garuuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa si kooban u guud maray arrima ay kamid yihiin; faa’idooyinka laga dhexlay Nidaamka Federaalka, Kaalinta Puntland ka qaadatay hirgelinta Federaalism-ka dalka iyo Maqaamka caasimadda Muqdisho.
Sidoo kale, Deni ayaa madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed ka codsaday in maalinta 1-da Agoosto loo aqoonsado “Maalinta Federaalism-ka Soomaaliya” isagoo sharraxay muhiimadda ay u leedahay Nidaamka Federaalka.
Madaxweyne Deni, ayaa munaasabadda ka shaaciyay in Sabtida maanta ah ay fasax yihiin, dhammaan shaqaalaha dowladda Puntland, maadaama laga soo baxay todobaad shaqa-adag ah oo lagu jiray 1-da Agoosto.
Ugu dambeyntii, mudane Deni ayaa u mahad-celiyay dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii kale ee ka qeyb-qaatay, in ay si qurux badan u qabsoonto xuska 1-da Agoosto, isagoo abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyay.
Halkaan ka daawo khudbaddiisa
PUNTLAND POST