Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xilliga la aasayo Duqii hore ee Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa shaacisay xilliga la aasayo marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar, halkaasoo looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaaray qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha guddigii loo magacaabay xaaladaha deg-degga ah ee qaraxi kadhacay xarunta gobolka Banaadir, ahna wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Somalia, Cabdi Canshuur ayaa sheegay in DF ay diyaarad khaas ah u dirayso dalka Qatar si ay meydka u soo qaado.

Wasiirka ayaa sheegay in maalinta berri ah Aas Qaran loo sameyn doono Inj. Yariisow, iyadoo aaskiisa ay kasoo qayb-geli doonaan xubnaha sare ee DFS, madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno kale oo muhiim ah.

Sidoo kale, Waxaa dalka looga dhawaaqay saddex maalmood baroor-diiq Qaran ah, taasoo loogu barooranayo geerida guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir, ahaana Duqii hore ee Muqdisho, kaasoo xilk hayay muddo sannad iyo bar ah.

Geerida Inj. Yariisow ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, iyagoo muujiyay sida ay uga naxeen geerida marxuumka oo ay ku tilmaameen mas’uul la dilay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u adeegaya, ayna dishay gacan-ka-xaq-daran.

Dhanka kale, Waxaa la filayaa in aaska marxuumka ay ka qayb-galaan tiro badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa inay madax heer caalami ah ay ka qayb-galaan aaska marxuumka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa wuxuu ku dhawaaqay shalay guddiga aaska Qaran ee marxuum Yariisow, kuwaasoo uu hor-kacayo RW ku xigeenka Somalia, Mahadi Maxamed Guuleed, ayna xubnihiisa ka mid yihiin; Wasiirka Boostada, Cabdi Canshuur, Wasiirka Isboortiga, Khadiijo Diiriye iyo kuwo kale.

PUNTLAND POST