Axmed Madoobe oo amray in la soo bandhigo natiijada baarista falalkii u dambeeyay ee ka dhacay Kismaayo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha iyo taliyaasha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland oo kulankaasi looga warbixiyay ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu Sarakiisha amray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan natiijada ka soo baxday baaritaannada lagu hayo dadka ku eedaysan falalkii u dambeeyya ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu xusay in madaxweynuhu uu Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida Jubaland uuna kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin.

PUNTLAND POST