Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo, sannad-guurada 21-aaad ee ka soo wareegtay aas’aaskii dowladda Puntland, ayaa hadda ka socota barxadda weyn ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan,guddoonka labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, xildhibaanno, xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, marti sharaf kale iyo boqollaal dadweyne ah.
Halkaan ka daawo munaasabadda
PUNTLAND POST