Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan shacabka iyo dowladda Puntland ugu hambalyeeyay xuska Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998.
“Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka iyo xasilloonida ay dowladda Puntland ku tallaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka dhulka Puntland iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa umadda Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.
PUNTLAND POST