Puntland: Maalinta Weyn ee 1-d Agoosto oo loo dabbaal-degayo

Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay dowladda Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998-dii, ayaa saaka oo Khamiis ah looga dabbaal-degaya guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Xuska ugu weyn ee munaasabadda sannad-guurada 1-da Agoosto, ayaa saaka ka dhacaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana goob kasta ku sharraxan calanka iyo astaanta dowladda Puntland, halka dadka qaarkoodna ay ku lebbisan yihiin dhar ka samaysan calanka.

Sameecado iyo cod-baahiyaal gaadiid saaran oo ay ka shidan yihiin heeso Waddaniya, ayaa sidoo kale laga maqlaya gudaha caasimadda Garoowe, waxaana xaddidan goobaha ganacsiga oo badankoodu xiran yihiin.

Waxaa kale oo si weyn loo adkeeyay amniga magaalada, oo ay sugayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Amniga, iyadoo dhammaan la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, islamarkaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee bartamaha caasimadda.

Boqollaal shacab ah oo ku qaarkood ku lebbisan yihiin dhar ka tolan calanka, halka qaar kalena ay sitaan calanka, ayaa hadda ku diyaarsan barxadda weyn ee Garoowe oo uu goor dhow ka dhici doono dabbaal-dega xuska 1-Agoosto.

Sidoo kale, cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka culus, ayaa soo bandhigi doona dhoola-tos ciidan oo ay ku muujinayaan cududooda.

PUNTLAND POST