Maamulka Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray dhisme maamul oo dib loo dayac-tiray

Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda, Ibrahim Mahad-Alle ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta waaxda saddexaad ee Oktoobar Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey.

Ibraahim Dheere ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda.

“Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.”

Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Duqa Muqdisho, Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa horey amar ugu bixiyey dhismaha xarunta Waaxda October oo ay dhisteen dad shacab ah, kuwaas oo laga burburiyey, si loogu adeego bulshada Caasimadda.

Ugu dambeyn, Xafladda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Ibraahim Dheere ku weheliyey Ku-xigeenkiisa Howlaha Guud, Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo mas’uuliyiinta degmada Waaberi.

PUNTLAND POST