
Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey, Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay dowladda Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998-dii, ayaa saaka lagu qabtay barxadda weyn ee caasimadda Garoowe.
Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ,guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamank dalka, guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland , xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, marti sharaf iyo kumanaan dadweyne ah.
Barxadda magaalada garoowe ee munaasabaddu ka dhacday, ayaa si heer sare ah loo qurxiyay, waxaana dhinac kasta looga sharraxay calanka Puntland oo uu ka dul-babanayo calanka Soomaaliya, iyadoo shacabka xuska isu’gu soo baxay qaarkood ay ku lebbisnaayeen, dhar ka samaysan calanka Puntland, halka qaar kalena ay gacmaha ku siteen calanka.
Sidoo kale, cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Puntland oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa munaasabadda ku soo bandhigay, gaardis iyo dhoolla-tus ay ku muujinayeen cududooda iyo sida ay heeggan ugu yihiin ilaalinta difaaca, sharafta iyo dowladnimada Puntland.
Amniga caasimadda Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, iyadoo la xiray waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla bartamaha magaalada, gaar ahaanna barxadda weyn ee ay ka dhacday munaasabadda xuska 1-da Agoosto.
Ugu dambeyntii, madaxda dowladda Puntland iyo mas’uuliyiinta heer Federaal ee ka qeyb-galay dabbaal-deggii saaka, ayaa khudbadahooda dib ugu dhigtay, munaasabad kale oo caawa ka dhici doonta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo looga taariikhayn doono aas’aaskii Puntland iyo wixii u qabsoomay mudadii ay dhisnayd.
Halkaan hoose ka eeg sawirro hordhac ah
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.