Ciidan Somali ah oo Tababar sare soo Qaatay oo ku soo laabtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ciidammo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, kuwaasoo la sheegay inay qayb ka noqonayaan hawlgallada ay dowladdu ku doonayso inay kula dagaalanto Al-shabaab.

Wasiirka gaashandhigga DF oo ay wehliyaan ku-simaha taliyaha ciidanka xoogga dalka ahna taliye Ku xigeenka ciidanka iyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay cutubka ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, Ciidamadan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhaw sanad waxay tababbar ku qaadanayeen gudaha Turkiga, waxaana ay qayb ka yihiin ciidammada sida gaarka ah loo tababaray.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Somalia, Jen. Odowaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidamadan kaga mahad-celiyay qaabka wanaagsan ee tababarka ay u qaateen muddadii ay joogeen Turkiga

Dhanka kale, Ku-simaha taliyaha CXDS ahna taliye ku xigeenka CXDS Jen. Cabdi Xasan Maxamed [Xijaal] ayaa dowladda Turkiga kaga mahad-celiyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka gaashandhigga Somalia, Xasan Maxamed Cali [Amar-dambe] ayaa isna sheegay n dowlada Somalia ay ku hawlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dalka Turkiga ayaa wuxuu dadaal badan ku bixinayaa sidii ay Somalia dib cagaheeda ugu istaagi lahayd, waxaana Muqdisho uga furay saldhig ay ku tababaraan ciidamada xooggad Dalka.

PUNTLAND POST