Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay dilka Sudaan xalay lagu dilay Xarunta Jubbaland

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhamaan shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelladii uu ka baxay marxuum Suldaan Rashiid Durre oo ka mid ahaa salaaddiinta dadka ku nool Jubbaland, kaasoo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid uu laf-dhabar u ahaa midnimada iyo nabad kuwada noolashaha shacabka Jubbaland wax badana uu waqtigiisa u huray nabadeynta iyo walaaleynta shacabka Jubbaland.

Sidoo kale, Hay’adaha Amniga Jubbanad ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe faray in jawaab deg-deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markaana ay kusoo dhigaan gacana kuwii falkan ka dambeeyay.

“Waxaan hay’adaha amniga farayaa inay jawaab dhaqso badan ka bixiyaan dilka suldaanka, waxaana laga doonayaa laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii falkaas ka dambeeyay, si cadaaladda loo hor-keeno,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Nabaddoonkan ayaa waxaa xalay lagu dilay bartamaha magaalada Kismaayo waxaana dilkiisa uu dhacay xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas laba wiil oo la socday, kuwaasoo lagu daweynayo hadda Isbitaalka magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Marka laga soo tago hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha Jubbaland illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Sudaan Rashiid Dhurre, balse waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay Kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Dilka Suldaankan oo hoggaaminayay beesha Gaaljecel ayaa waxaa wuxuu dilkiisa kusoo beegmayaa xilli la filayo inay bishan gudaheeda ka dhacdo Kismaayo doorashada madaxweynaha maamulkaas, iyadoo inta aysan doorashadaas dhicin lasoo dooran doono xildhibaannada maamulka.

PUNTLAND POST