Guddoonka Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb-galay fadhiga 23-aad ee Kal-fadhiga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare Sen. Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo ay weheliyaan Sen. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo xildhibaanno kale oo ka tirsan Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland. Muuqaal dheeriya
Kulanka oo ay ujeedadiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xog waraysi guud iyadoo xubno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ay su’aalo waydiiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare.
Guddoonka Labada Gole ee Federaalka iyo Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa ugu dambeyntii kormeer ku sameeyeen Xafiisyada kala duwan ee Golaha Wakiillada DPL.
Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.