Guddiga qaabilsan qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay degaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.
Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug.
Guddoomiyaha Gudddiga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka in aan la siyaasadeyn shirka, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan.
“Meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo, tabashada wey badan yihiin, waxaas oo dhan marka la isku daro farriinta aan u sidno waa wax kasta waxay ka dhaxeysaa reer Galmudug in shirka ay ka soo qeyb galaan beelaha ka soo qeyb galaan, wixii tabasho halkaas ku xaliyaan” ayuu yiri Baadiyow.
Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.
Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo 5-Agoosto 2019.
PUNTLAND POST