Warshad Tuubbooyinka iyo Siligga samaysa oo markii ugu horraysay Puntland laga hirgeliyay

Ganacsato reer Puntland ah oo ku midaysan Hiigsiga ah in gudaha dalka laga hirgeliyo warshado wax soo saar oo looga maarmo kuwa debadda ayaa markii u horraysay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka hirgeliyay warashad cusub soo saari doonta Tuubbooyinka iyo Siligga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray warshadda cusub ee Tuubooyinka iyo Siligga oo ay maalgashadeen Ganacsatada reer Puntland taas oo markii ugu horaysay laga hirgaliyey guud ahaan Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta dowladda Puntland oo madaxweynuhu u horreeyo, qaar kamid ah Ganacsatad waaweyn ee Puntland , Nabaddoono, Waxgarad,isimo, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Maamulaha shirkaddan cusub ee SOBIC ENN Abshir Cabdullaahi oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedka ay shirkaddan u hirgeliyeen ay tahay, in laga maarmo Tuubooyinkii iyo Siliggi dalka debaddiisa laga keeni jiray ee dhibta badan laga mari jiray iyo in ay shaqa-abuur ka helaan dhalinyarada Waxbartay ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska-kaashaday shirkaddan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo.

Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey wersheddan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”.

Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota, waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan “xagge dalku u socon karaa dhinaciisa horumarka”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadayaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba, waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkaddan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland.

Halkaan hoose ka eeg sawirada

PUNTLAND POST