Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tagay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federalka Soomaaliya Xafiiska Puntland, gaar ahaan Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ay wehliyaan, Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda laanta Puntland Col. Maxamed Faarax Qambi iyo Saraakiil kale.

Kormeerkan oo Madaxweyne ku xigeenku uu ku eegatay bannaanka shaqo ee Laantan waxa uu indhaha indheeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Waaxaha Baasaboorada, Fiisooyinka, IT-ga iyo kuwa kale.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane ayaa bogaadiyay Maamaamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS, gaar ahaan Laanta Puntland, waxaana uu kala dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday ee ay ummaada u hayaan.

PUNTLAND POST